Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Image

TEL AVIV, Israa’iil – Gantaal ballistic ah oo ay soo rideen fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa si toos ah ugu dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv, taasoo keentay in la joojiyo dhammaan duulimaadyadii imanayay iyo kuwii ka baxayay garoonka.

Wararka laga helay warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Channel 12, ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel u dhow diyaarado taagnaa agagaarka Terminal 1, taasoo sababtay khalkhal ballaaran oo dhinaca amniga iyo hawada ah. Digniinaha weerarada cirka ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Tel Aviv iyo Yeruusaalem.

Militariga Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee ay leeyihiin, oo ay ku jiraan Arrow 3 iyo THAAD-ka Maraykanku aysan ku guuleysan inay gantaalkaasi qabtaan, taasoo keentay inuu Garoonka gaaro.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ballanqaaday in ay si adag uga jawaabi doonaan weerarkan, isagoo sheegay in "cid kasta oo Israa’iil waxyeello u geysa ay heli doonto jawaab toddoba-laab ah."

Fallaagada Xuutiyiinta oo taageero ka hela dalka Iran ayaa horay u beegsaday danaha Israa’iil, oo ay ku jiraan maraakiib ku sugan Badda Cas iyo sidoo kale garoonka Ben Gurion, taasoo ay ku sababeeyeen taageeradooda u muujiyeen shacabka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM