Gantaalo lagu garaacay safaarada Mareykanka ee Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq - Diblomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu bartilmaameedsaday seddex gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq ayaa xusay Arbacadii in 14 gantaal lagu garaacay saldhigga cirka ee Ciraaq oo ay joogaan askarta Mareykanka, waxaana ku dhaawacmay labo xubnood oo Mareykan ah.

In kasta oo aysan jirin sheegasho deg deg ah oo ku saabsan mas'uuliyadda weerarrada - qayb ka mid ah mowjadaha lala beegsanayo ciidamada Mareykanka ama meelaha ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya - waxay falanqeeyayaashu rumeysnaayeen inay qayb ka ahaayeen olole ay wadeen kooxo hubaysan oo ay taageerto Jamhuuriyadda Iiraan.

Ciidamada Mareykanka oo qeyb ka ah isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallama ISIL (ISIS), ayaa lagu bartilmaameedsaday ku dhowaad 50 jeer sannadkan dalka, laakiin maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo kordhay weerarada.

Kooxo hubaysan oo reer Ciraaq ah oo la safnaa Iran ayaa balan qaaday inay aargudan doonaan kadib duulaankii Mareykanka ee xadka Ciraaq iyo Syria ay ku dileen afar ka mid ah xubnahooda bishii hore.

"Laba qof ayaa lagu dhaawacay gantaalkii lagu tuuray saldhigga cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq," ayuu yiri afhayeenka isbahaysiga Mareykanka Colonel Wayne Marotto.

Gantaalada ayaa ku dhacay saldhiga iyo hareeraheeda. Korneylka wuxuu sheegay mar sii horeysay seddex qof inay ku dhaawacmeen. Hase ahaatee, waxaa jira warar khasaaro intaas kasii badinaya.

Isagoo faallo ka bixinaya wixii ka dambeeyay khasaaraha soo baxay Khamiista maanta ah, Wayne wuxuu yiri "weerar kasta wuxuu wiiqaa awoodda hay'adaha Ciraaq iyo madax-bannaanida".

Mareykanka ayaa wadahadalo aan toos ahayn la yeeshay Iran oo ujeedkiisu ahaa in labada qaranba dib loogu soo celiyo waafaqsanaanta heshiiskii nukliyeerka Iran ee 2015, kaasoo uu ka tagey madaxweynihii xilligaas Donald Trump. Wax waqti ah looma qabanin wareega xiga ee wadahadalada, oo dib loo dhigay 20-ka Juun sababo aan lasoo bandhigin illaa haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM