Gantaalo lagu weeraray saldhig ciidamada Mareykanka ee Ciraaq

Image
Balse, sarkaal Ameerikaan ah waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

BAQDAAD, Ciraaq - Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in in ka badan shan gantaal laga soo ganay dalka Ciraaq oo ay ku socdeen ciidamada ku sugan saldhigga isbahaysiga ee ku yaal magaalada Rmeilan ee dalka Suuriya, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

Sarkaalkan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku tilmaamay dhacdadan weerar gantaal oo fashilmay.

Reuters ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan kala cadeyn in gantaalada ay ku dhici waayeen saldhiga iyo in la burburiyay kahor inta aysan gaarin. Sidoo kale ma cadda in saldhigga laftiisa uu ahaa bartilmaameedka.

Weerarka ka dib, sarkaalku waxa uu sheegay in diyaarad ka tirsan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee Ciraaq iyo Suuriya ay fuliyeen weerar ka dhan ah diyaaradda wax riday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM