Geelle oo Ku Guuleystay Doorashada Dalka Djibouti

Image

Xukumadda Djibuiti ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guulestay doorashada Madaxtinimo ee ay dadka reer Djibouti shalay u dareereen.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti, Mr. Geelle ayaa helay 68.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.

Murashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.

Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay: Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jamac C.raxman Jamac 0.79%. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti Hassan Omar Mohamed, ayaa guusha Mr. Geelle u xaqiijiyay VOAda. 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu Madax ka ahaa Djibouti muddo 17 sanadood ah, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977kii. 

Laakiin Mucaaradka ayaa ku eedeeya inuusan wax badan ka qaban shaqa la’aanta dalka Djibouti ka jirta. 

Sida uu sheegay Bangiga Aduunka, Boqolkiiba 20 dadka Djibouti ayaa ku nool saboolnimo hooseeysa. 

Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay qaadaceen doorashadan, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid ku dhacday cadaal darro.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM