Geeri ka dhalatay weerar lagu qaadey xarunta Congress-ka

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay kadib markii toogasho iyo fowdo ay ka dhacdey gudaha xarunta ay ku shiraan mudaneyaasha baarlamaanka Mareykanka ee ku taalo bariga Washington.

Taageereyaasha madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo isu-soo-bax ka dhigay dibada ayaa gudaha ugu daatay dhismaha Congress-ka xilli ay lahaayeen shir ay ku kala caddeynayeen guusha madaxweynaha la doortey ee Joe Biden.

Mudaaharadayaasha ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa lagu arkay saqafyadda dhismaha Senate-ka. Sawirada waxay muujinayaan booliska oo isku dayaya in ay dib u hantaan gacan-ku-haynta dhismaha oo ay ku guuleysteen.

Jahwareerkan ayaa ka dambeeyay markii Trump uu dhiirageliyey fowdada isla markaana uu ku sifeeyay banaanbaxayaasha "waddaniyiin aad u balaaran".

Biden oo si adag u cambaareeyay falkan ayaa ku eedeeyay Trump in uu u sacabo-tumayo xasilooni darro iyo ficilo khalkhal gelinaya amniga qaranka Mareykanka.

Dhanka kale, Aqalka Cad oo ah dhismaha looga arimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in ay la shaqo-geliyey Ciidamadda Ilaaladda Qaranka si ay kala dambeynta u soo celiyaan. Ma xusin hadii la xiri doono banaanbaxayaasha.

Doorashooyinkii November ka qabsoomay Mareykanka ayaa dhaliyey kala qeybsanaan aad u baaxad weyn, waxaana dhinacyadda kala taageersan Trump iyo Biden ay isku qaadeen cadaawad qaboojinteedu ay waqti badan qaadan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM