Germany: faahfaahin kasoo baxaysa saddex lala xiriirinayo Al-shabab

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa saddex qof oo haysta dhalashada dalka Jalmalka lalana xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab oo todobaadkan horraantiisii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Frankfort.

Saddexda qof oo labo kamid ah asalkoodu uu Soomaali yahay, waxaa lagu kala magacaabaa Cabdisalaan, Cabdulaahi iyo Steven. Da'dooda ayaa lagu sheegay inta u dhaxaysa 23 ilaa 28 sano.

Xeer ilaalinta guud ee dalka Jarlmalka ayaa shaacisay in saddexda nin kasoo dhoofeen dalka Kenya kadib markii  si qarsoodi ah uga soo tallaabeen xuduudka Soomaaliya.

Xeer ilaalintu waxay intaas raacisay in raggani in muddo ka tirsanaayeen Al-shabaab, tababarana kusoo qaateen xeryaha Al-shabaab, islamarkaana ka qayb qaateen weerarro ay qaraxyo ku jiraan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baaritaan ayaa weli lagu wadaa, waxaana la filayaa in dhowaan maxkamad lasoo taago. Dhallinyaro haysta dhalashada dalka Jarmalka oo horay tuhun noocan oo kale ahi u galay ayaa lasii daayey kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.

Soomaalida ku nool dalkaas ayaa arrintan walaac aad u xooggan ka muujiyey, maadaama ay horseedi doonto cadaadis si gaar ah loo saaro, gaar ahaan dhanka safarada.

GAROWE ONLINE.

 

Related Articles

Sacuudiga oo Marti-gelinaya Shir Looga Hadlo Qorshaha Trump ee Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dib-u-dhiska Gaza uu ku kacayo in ka badan $53 bilyan.

  • Caalamka

    21-02-2025

  • 08:48AM

Trump: Zelenskyy waa kaligii taliye bilaa doorasho ah

Trump ayaa todobaadki hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vlademir Putin.

  • Caalamka

    20-02-2025

  • 07:40AM