Germany: faahfaahin kasoo baxaysa saddex lala xiriirinayo Al-shabab

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa saddex qof oo haysta dhalashada dalka Jalmalka lalana xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab oo todobaadkan horraantiisii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Frankfort.

Saddexda qof oo labo kamid ah asalkoodu uu Soomaali yahay, waxaa lagu kala magacaabaa Cabdisalaan, Cabdulaahi iyo Steven. Da'dooda ayaa lagu sheegay inta u dhaxaysa 23 ilaa 28 sano.

Xeer ilaalinta guud ee dalka Jarlmalka ayaa shaacisay in saddexda nin kasoo dhoofeen dalka Kenya kadib markii  si qarsoodi ah uga soo tallaabeen xuduudka Soomaaliya.

Xeer ilaalintu waxay intaas raacisay in raggani in muddo ka tirsanaayeen Al-shabaab, tababarana kusoo qaateen xeryaha Al-shabaab, islamarkaana ka qayb qaateen weerarro ay qaraxyo ku jiraan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baaritaan ayaa weli lagu wadaa, waxaana la filayaa in dhowaan maxkamad lasoo taago. Dhallinyaro haysta dhalashada dalka Jarmalka oo horay tuhun noocan oo kale ahi u galay ayaa lasii daayey kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.

Soomaalida ku nool dalkaas ayaa arrintan walaac aad u xooggan ka muujiyey, maadaama ay horseedi doonto cadaadis si gaar ah loo saaro, gaar ahaan dhanka safarada.

GAROWE ONLINE.

 

Related Articles

Yemen: Xuutiyiinta oo Isku Dayaya inay La Wareegaan Marinka Bab al-Mandab

Ilo militari ayaa sheegay in goobaha sare ay Xuutiyiinta u sahli karaan inay bartilmaameedsadaan maraakiibta isticmaala marin-biyoodka Bab al-Mandab.

  • Caalamka

    05-09-2026

  • 02:00PM

Maraakiibta dagaalka Türkiye iyo Israel oo isku soo dhowaaday badda Mediterranean-ka

Warbaahinta dowladda Israel ee Kan ayaa sheegtay in ciidanka Israel…

  • Caalamka

    31-08-2026

  • 01:46PM