Gideon Sa’ar: Israa’iil iyo Itoobiya Waa Inay Iska Kaashadaan La Dagaallanka Argagixisada
QUDUS - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa ku baaqay in Israa’iil iyo Itoobiya ay iska kaashadaan la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, isagoo tilmaamay in ay tahay "halis wadaag ah" isagoo ka hadlayay shir jaraa’id uu la yeeshay dhiggiisa Itoobiyaan, Gedion Timotheos, oo ka dhacay Qudus Khamiista.
“Argagixisada waa halis wadaag ah oo ka dhex jirta dadka,” ayuu yiri Sa’ar, isagoo iftiimiyay kororka kooxaha argagixiso ee Islaamiyiinta xagjirka ah ee saameynaya labada gobol. “Waxaan aragnaa Hamas oo ku sugan Gaza, Hezbollah oo ku sugan Lubnaan, Jihaadayaal ku sugan Suuriya, iyo Al-Shabaab oo ku sugan Afrika. Argagixisada waa in la baabi'iyo.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale tilmaamay xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida ee Soomaaliya iyo Xuutiyiin ee taageersan Iran ee Yemen, kuwaas oo kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan Israa’iil tan iyo weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Xuutiyiinta oo ku riday boqolaal gantaal iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo lagu beegsanayo Israa’iil sanadkii la soo dhaafay, ayaa ku hanjabtay inay dib u bilaabi doonaan weerarada maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas. Kooxda ayaa Israel ku cadaadinaysa inay fasaxdo kaalmada gargaarka ee Gaza.
“Ethiopia waxay door muhiim ah ka ciyaartaa la dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Sa’ar, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay “iskaashi la leedahay Xuutiyiinta Yemen, taasoo sii dedejinaysa xasillooni darrooyinka gobolka.” Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xuutiyiinta inay carqaladeeyaan waddooyinka ganacsiga caalamiga ah iyo inay ku hanjabayaan inay xannibaan maraakiibta Israa’iil ee marta Badda Cas.
Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale astaan u ahaa booqashada Timotheos ee Israa’iil, taas oo Sa’ar uu u sawiray inay tahay bilowga dadaal lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika iyo Israel. Wuxuu Itoobiya ku tilmaamay “mid ka mid ah wadamada hogaaminaya gobolka” iyo xiriirka taariikhiga ah ee qotoda dheer ee u dhexeeya labada dhinac, taasoo ka soo bilaabata wakhtigii Bibiliga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in Sa’ar uu qorsheynayo booqasho isdhaafsi ah oo uu ku tagayo Itoobiya mustaqbalka dhow, taasoo muujineysa go’aanka lagu xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga labada dhinac.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay wajahdo xasarado gobolka sii kordhaya, iyadoo ay socoto colaadda ay la gashay kooxaha Hamas iyo Hezbollah, halka Itoobiya ay ka jirto caqabado amni oo kasoo wajahaysa Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE