Giriiga: Masaajid Qarni xirnaa oo dib loo furay

Image
Markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado masaajidkan waxay ahayd horraantii 1920.

Athena (GO) - Giriiga ayaa dib u furay masaajid taariikhi ah oo ku yaala waqooyiga magaalada Thessaloniki, markii ugu horeysay muddo qarni ka badan, waxaana la ogolaaday in lagu tukado salaada Ciidul Fidriga.

Qiyaastii 100 qof ayaa ku tukaday salaadda ciidda Masaajidka “Yeni” kaasoo markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado waxay ahayd horraantii 1920-meeyadii.

Dagaal dhexmaray Giriiga iyo Turkiga ayaa sababay is dhaafsi dadweyne oo labada dal u dhexeeya kaas oo hoos u dhac ku keenay tirada muslimiinta magaalada.

23-jir Turki ah oo dhaqaalaha bartay kuna nool magaalada ayaa munaasabadan ka yiri:"Waxaan ku noolaa Tesaloniika afar sano, tani waa markii ugu horreysay oo aan fursad u helo inaan la tukado qoyskayga Muslimka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM