Giriiga: Masaajid Qarni xirnaa oo dib loo furay

Image
Markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado masaajidkan waxay ahayd horraantii 1920.

Athena (GO) - Giriiga ayaa dib u furay masaajid taariikhi ah oo ku yaala waqooyiga magaalada Thessaloniki, markii ugu horeysay muddo qarni ka badan, waxaana la ogolaaday in lagu tukado salaada Ciidul Fidriga.

Qiyaastii 100 qof ayaa ku tukaday salaadda ciidda Masaajidka “Yeni” kaasoo markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado waxay ahayd horraantii 1920-meeyadii.

Dagaal dhexmaray Giriiga iyo Turkiga ayaa sababay is dhaafsi dadweyne oo labada dal u dhexeeya kaas oo hoos u dhac ku keenay tirada muslimiinta magaalada.

23-jir Turki ah oo dhaqaalaha bartay kuna nool magaalada ayaa munaasabadan ka yiri:"Waxaan ku noolaa Tesaloniika afar sano, tani waa markii ugu horreysay oo aan fursad u helo inaan la tukado qoyskayga Muslimka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM