Giriigga: Haweenay Soomaali oo xaamilo ah oo laga helay Covid-19

Image

ATHENS, Greece – Wasaaradda Socdaalka waddanka Giriigga ayaa shaacisay in haweenay Soomaali oo xaamilo ah ay kamid tahay 150 soo galooti oo laga helay fayruska safmarka ah ee Corona.

Qaxootiga ayaa ku jiray huteel ku yaala magaalada Kranidi, oo qiyaastii 166 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta caasimadda Athens.

Nikos Hardalias, wasiir ku xigeenka daryeelka bulshadda, ayaa sheegay in ay karantiileen dhamaan dadkii kale ee halkaas ku jiray.

Sidda uu xaqiijiyey Yiannis Georgopoulos, duqa magaaladaas, waxaa laga joojiyey qaxootiga in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq badan.

Bishaan April 16-keeda ayaa lagu amray qaxootiga in ay ku negaadaan qolalkooda si looga fogaado faafitaan horleh oo caabuqu sameeyo.

Wallow aan la shaacin magaceeda, haweenayda kasoo jeeda Soomaaliya ee xaamilida ah ayaa lagu waramay in ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee laga helay xanuunka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ay xaamilo tahay lix bilood. War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa nan lagu caddeynin hadii ay jiraan Soomaali kale oo uu soo ritay cudurka dilaaga ah.

Dowladda Giriigga ayaa horey ugu amartay qaxootiga ku jira xeryaha in aysan dibadda u soo bixin illaa iyo 10-ka bisha soo aadan ee May.

Gudaha Giriiga, kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya 2,245; dadka uu ku dhacay xanuunka ee kasoo kacay waa 269; tiradda dhimashadda illaa iyo haatan waxay mareysaa 120 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM

Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:17AM