Go'aan dharbaaxo ku ah Trump oo la meelmariyey

Image

WASHINGTON, US – Baarlamaanka Mareykanka ayaa u codeeyay in la laalo diidmada madaxweyne Donald Trump ee xeerka weyn ee difaaca, taasoo soo afjaraysa fadhi buuq badan hareeyay iyo iska hor imaadkii siyaasadeed ee Trump kala kulmay xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga.

Fadhi naadir ah oo ay yeesheen Maalinta Sannadka Cusub, sidda ay warisay saxaafadda, waxaa xeerkaas ogolaatay 81, halka ay diideen 13 kale.

Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuritiintu waxay ku midoobeen ina y taageeraan hindise-sharciyeedka difaaca kaas milatariga Mareykanka siinaya aduun dhan $740bn oo qeyb ka ah jihada istiraatiijiyadeed ee sannadka soo socda.

Codbixintii Jimcaha waxay ahayd markii ugu horreysay ee sharci dejiyeyaasha Mareykanka ay hor istaagaan diidmo qayaxan oo Trump sameeyay tan iyo markii uu xilka qabtay.

Golaha Wakiillada Mareykanka ee Dimuqraadiga uu maamulo ayaa 28-kii Diseembar ay iyaguna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in laga hor-yimaado diidmadda qayaxan ee Trump.

Trump, oo oo todobaadyo ay uga hartay joogitaanka Aqalka Cad, wuxuu soo saaray dhowr qodob oo uu kaga soo horjeedo sharcigan, isagoo sheegay inuu xaddidayo awoodda uu u leeyahay inuu yareeyo tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan, Kuuriyada Koofureed iyo Jarmalka.

Madaxweynaha xilka ka degaya wuxuu ka soo horjeestay in xerooyinka ciidamadda Mareykanka laga bedelo magacyadda loogu magac-daray tirooyinka Confederate ee Dagaalkii Sokeeye ee Ameeria.

Wuxuu sidoo kale doonayay in Koongarasku ay tirtiraan Qeybta 230 ee sharciga isgaarsiinta Mareykanka oo u ogolaanaya dadka in ay si xor ah wax ugu qoraan baraha bulshada sida shirkadaha Twitter iyo Facebook – kuwaas oo Trump qudhiisa oo kamid yahay dadka sidda weyn u isticmaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM