Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Image

MOGADISHU, 1-da Luulyo — Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in si weyn loo yareeyo kaalmooyinka bani’aadamnimada ee dalkaasi ayaa laga digay inay keeni karto dhibaatooyin waaweyn oo caafimaad iyo nololeed.

Daraasad cusub oo lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee “The Lancet” ayaa sheegtay in hoos u dhaca 83% ee maalgelinta Mareykanka ee gargaarka caalamiga ah uu sababi karo in in ka badan 14 milyan oo qof ay u dhinteen illaa sanadka 2030.

Cilmi-baareyaasha ayaa ku tilmaamay in dhimashadaas dheeraadka ah ay ka mid yihiin in ka badan 4.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan sano, taasoo u dhiganta qiyaastii 700,000 oo carruur ah oo sanad walba ay u geeriyoodaan.

Daraasadda ayaa sidoo kale muujisay in barnaamijyada ay maalgeliso USAID ay ka hortageen ilaa 91 milyan oo dhimasho ah dalalka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu dhexeeyo intii u dhexeysay 2001 ilaa 2021.

Barnaamijyada taageerada USAID ayaa sabab u noqday hoos u dhac dhan 15% oo guud ahaan dhimashada, iyadoo dhimashada carruurta da’doodu ka hooseyso shan sano ay hoos u dhacday 32%.

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%, duumada (malaria) oo hoos u dhacday 53%, iyo cudurrada aan si fiican loo maareyn ee gobollada ay ka jiraan oo hoos u dhacay 51%.

Warbixinta ayaa ku baaqday in si degdeg ah dib loogu celiyo taageerada bani’aadamnimada si loo badbaadiyo malaayiin noloshooda iyo mustaqbalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM