Gobol ku yaala Mareykanka oo diidey mamnuucida addoonsiga

Image
Afar gobol kale ayaa Talaadadii waxay u coddeeyeen in dastuurkooda ka saaraan ogolaanshaha addoonsiga.

WASHINGTON, United States - Afar gobol oo Maraykan ah ayaa u codeeyay in laga saaro dastuurka gobolkooda luuqadda sheegaysa in addoonsiga uu sharci yahay loona isticmaali karo ciqaab dambiyeed.

Laakin ismaamulka Louisiana waxay u coddeeyay inuu sii jiri karo addoonsiga kadib markii sharci-dejiyaha kafaala qaaday hindisaha codbixinta uu ka soo horjeestay.

Edmond Jordan ayaa sheegay in uu gartay in talaabadiisa ay si bareer ah u ballaarin karto addoonsiga. Dadka u doodaya hindisahan ayaa sheegaya in loo baahan yahay in laga hortago xadgudubyada maxaabiista.

Dadkan waxay rajeynayaan in Dastuurka Maraykanka gaar ahaan Wax-ka-beddelkiisa 13aad kaas oo baabi'iyay addoonsiga laakiin wali wajahaya dal-daloolo wax ka qabasho u baahan.

Alabama, Oregon, Tennessee iyo Vermont dhamaantood waxay u codeeyeen Talaadadii inay dastuurrada gobolkooda ka saaraan oggolaanaya addoonsiga ama addoonsiga aan ikhtiyaarka lahayn iyagoo isku dayaya inay gebi ahaanba mamnuucaan addoonsiga.

Laakin iyada oo dhammaan codadkii la tiriyay laga soo bilaabo doorashooyinkii xilliga dhexe ee Talaadadii, lix ka mid ah 10-kii codbixiye ee Louisiana ayaa ka soo horjeestay wax ka beddelka.

"Natiijadu waxay awood u siin kartaa maxaabiista inay ka hortagaan shaqada qasabka ah ee nidaamka cadaaladda dembiyada," ayay yiraahdeen khubarada sharciga.

Ilaa 800,000 oo maxbuus ayaa hadda ku shaqeeya lacag dinaar ah, ama haba yaraatee aan waxba qaadaan taasoo ah adoonsi loogu yeeray ciqaab dambiyeed, sida ay khubaradu sheegeen.

Todobo gobol ma siiyaan shaqaalaha xabsiga wax mushahar ah inta badan shaqooyinka loo diro, maxaabiista waa la ciqaabi karaa haddii ay diidaan inay shaqeeyaan. Tani waxaa lagu sheegay xadgudub wax ka qabasho mudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM