Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

Image
137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

Quds (GO) - Diblomaasiyiin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u codayn doono, maalinta Jimcaha, codsi oo u soo gudbiyay maamulka Falastiin kuna saabsan in xubinnimo buuxda ay ka helaan QM.

Billowgii bishan Abriil, maamulka Falastiin ayaa golaha ammaanka ka codsaday inay dib u eegaan codsigii ay gudbisay 2011-kii si ay xubin buuxda uga noqoto Qaramada Midoobay, inkastoo Maraykanka oo haysta codka diidmada qayaxan uu si cad u muujiyay sida uu uga soo horjeedo dadaalkan.

Dublamaasiyiintu waxay tilmaameen in codaynta la qorsheeyay inay dhacdo Jimcaha, waxaana laga codsaday193-ka waddan ee Qaramada Midoobay ka kooban yahay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inay taageeraan qaraarka qabyada ah ee Dawladda Falastiin ku heleyso xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay maamulka Falastiin, 137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM