Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyey xaaladda dalka Yemen

Image

February 7, 2015 (GO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujiyey jiha-wareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka Yemen.

Golaha oo shalay oo Jimce ahayd shir albaabadu u xiran yihiin yeeshay, wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda gaar ahaan kooxda Xuuthiyiinta inay dib miiska wada-xaajoodka ugu soo laabtaan.

Dhanka kale, Golaha Ammaanku wuxuu ku gooddiyey in cunaqabateyn lagu soo rogi doono dhinacyada ku lugta leh siyaasadda Yemen hadii xaaladu sidan kusii socoto.

November 2014, ayey ahayd markii Golaha Ammaanku  xayiraad dhaqaale iyo mid dhanka safarka ah kusoo rogey madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdallah Saalax.

Saalax waxaa lagu eedeeyey in uu carqaladeynayo xasiloonida caqabadna ku yahay hanaanka dimuqraadiga ee la rabo in Yemen laga hirgeliyo gacansaar dhowna la leeyahay hoggaamiyeyaasha kooxda Xuuthiga.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25 milyan oo qof islamarkaana ah kan ugu saboolsan wadamada ku yaal Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah, laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqa magaalada New York oo diiday in loo kordhiyo mushaharkiisa

Waxa uu Mamdani ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ah isla markaana hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Gobolka NY.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 07:48AM

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM