Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo shir degdeg ah yeelanaya

Image
Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa la wareegida Ruushka ee qaybo kamid ah dhulka Ukraine.

NEW YORK, United States - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah 10-ka Octoobar kaas oo ku saabsan qabsashada sharci darada ah ee Ruushka ku galay dhulka Ukraine, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Codsiga kulanka Ukraine iyo Albania ayaa imaanaya kadib markii Ruushka uu diidey qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareeyey aftidii "sharci-darrada ahayd" ee Moscow ay taageertay ee lagu doonayay in lagula wareego qaybo ka mid ah bariga Ukraine.

Aftida iyo ku biiristii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka.

193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ayaa ka doodi doona la wareegida afar gobol oo Yukreeniyaan ah -- Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson -- taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale qaraar ay soo diyaariyeen Midowga Yurub ayaa ku saabsan in hay’adda Qaramada Midoobay ay ka fiirsato in Ruushka laga go’doomiyo beesha caalamka haddii loo codeeyo, sida ay sheegeen dublamaasiyiintu.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dalbaday in Ruushka laga saaro dhammaan ururada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM