Gollaha Militeriga Niger oo dhaqaaleyahan u magacaabay Ra'iisul Wasaare

Image

NIGER: Golaha milatariga Niger ayaa soo saartay bayaan laga akhriyay telefiishanka qaranka habeenkii isniinta, kaas oo lagu magacay Ali al-Amin Zein Ra'iisul wasaaraha cusub ee dalkaas, xilli beesha caalamka ay dooneyso soo celinta nidaamkii dastuuriga.

Colonel Ahmadu Abdirahman oo akhriyey bayaanka ayaa yiri: "Cali al-Amin Zain waxaa loo magacaabay ra'iisul wasaare,". Cali Zain waxa uu hore u qabtay xilka Wasiirka Maaliyadda 2002-dii si uu dalka uga saaro dhibaatada dhaqaale.

Golaha milatariga ayaa sidoo kale u magacaabay Gaashaanle Dhexe Xabiib Othman taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu dhamaaday waqtigii ay ururka ECOWAS u qabteen in madaxda afgambiga ay dib ugu soo celiyaan Bazoum xilkiisa, ECOWAS ayaan meesha ka saarin in awood loo adeegsado hadii aan la fulin dalabkooda.

Saaxiibada Niger ee Galbeedka iyo Afrika ayaa ku kala qaybsan arrinta ku saabsan hirgelinta faragelin milatari oo rayidka lagu soo celinayo awoodda, xilli Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika uu mar kale ku kulmayo Khamiista magaalada Abuja ee Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM