Google oo fulinaysa balanqaad ay sameysay sanad kahor

Image
Balanqaadkan ayaa la xiriira macluumaadka gaarka ah ee shirkada ka hayso macaamiisheeda.

WASHINGTON, USA - Shirkada Google waxay tirtiri doontaa dhammaan xogta ay ka hayso goobaha ay isticmaaleyaashu booqdeen, sida ay shirkaddu sheegtay, sanad kadib markii ay ballan-qaaday in ay yareyneyso xogta gaarka ah ee ay kaydineyso.

Astaanta shirkadda ee “Timeline” – oo horay loogu yiqiin Location History – wali way u shaqeyn doontaa dadka doorta inay isticmaalaan, iyagoo awood u leh inay dib ugu raacaan taariikhda safaradooda muddo sanado ah si ay u hubiyaan halka ay joogeen wakhti cayiman.

Laakiin dhammaan xogta lagama maarmaan ah ee loo baahan yahay si astaantan ay u shaqeyso waxaa lagu kaydin doonaa gudaha, taleefannadooda ama tablet-yada isticmaalayaasha, iyadoo midkoodna uusan ku keydsanaan doonin server-yada shirkadda.

Email ay shirkadda Google u dirtay isticmaaleyaasha Maps, waxay sheegtay in isticmaaleyaashu haystaan ilaa 1-da December si ay u kaydiyaan dhammaan safarradii hore ka hor inta aan si toos ah loo tirtirin.

Isticmaaleyaasha ayaa wali awood u yeelan doona inay keydiyaan xogtooda haddii ay ka walwalsan yihiin in ay lumiyaan ama ay rabaan inay ku keydiyaan qalabyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM