Guutooyin ku soo biiray howlgallo ay falastiiniyiintu ka wadaan Israa’iil

Image

QASSA - Guutada Al-Qudus oo ah garabka milateri ee dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in ay ku lug leeyihiin weerarka "Daadadka Al-Aqsa" ee ay bilaabeen dhaqdhaqaaqa "Xamaas" ee ka dhanka ah Israa'iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jarmalka.

Afhayeen u hadlay Guutada Al-Qudus ee loo yaqaan Abu Xamza ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in iyaga (Guutooyinka Quddus) ay qayb ka yihiin dagaalka "Daadadka Al-Aqsa" ayna ka barbar dagaalamayaan guutooyinka Al-Qassam (garabka militari ee Xamaas) ilaa ay ka gaaraan guusha.”

Xamaas ayaa maanta weerar aan horay loo arag ee ay ugu magacdartay "Daadadka Al-Aqsa" ku qadday Israa'iil, kaas oo ay u adeegsadeen kumanaan gantaallo ah oo lagu riday dhanka Israa'iil.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in tiro askar ah oo Israa’iiliyiin ah la qabtay loona gudbiyay marinka Qassa.

Dhankiisa, Ihsan Ataya, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa "Jihaad", ayaa hadal kooban oo uu siiyay wakaaladda wararka (Caalam Al-carabi) waxa uu yrhi: “Waxaan diyaar u nahay in aanu qaadno iska horimaad milatari oo ka dhan ah gumaysiga, waxaanu gaadhi doonaa guulo waaweyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM