Guyana: Caruur ku dhimatay dab qabsadey iskuul nooca la jiifto

Image
Dugsiga uu dabka qabsadey ayaa ku yaalla magaalada laga qodo dahabka ee Mahdia.

LONDON United Kingdom - Ugu yaraan 20 carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul nooca la jiifto oo ku yaalla bartamaha dalka Guyana, sida ay sheegtay dowladda waddankan ku yaalla qaaradda South America.

“Waa wax laga naxo. Waa xanuun,” ayuu yiri Madaxweyne Cirfaan Cali goor dambe oo Axadii ah. Sababta dabka Axadii ayaan weli la ogaan. Baaritaan ayaa lagu bilaabay.

Dugsiga uu dabka qabsadey ayaa ku yaalla magaalada laga qodo dahabka ee Mahdia oo ka tirsan degmada Potaro-Siparuni oo 320km (200 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Georgetown.

Wargeyska maxaliga ah ee Stabroek News ayaa ku waramay in dabku uu ka kacay guri ay gabdhuhu seexdaan, cimilo xumadana ay caqabad ku noqotay dadka gurmadka degdega ah hawada uga jawaabaya.

Ra'iisul Wasaare Mark Phillips ayaa hogaaminaya koox ka kooban golaha wasiirada iyo mas'uuliyiin kale oo tagaya Mahdia iyadoo wasiirka arrimaha gudaha Robeson Benn uu durba ku sugan yahay garoonka.

Xildhibaanadda mucaaradka Natasha Singh-Lewis ayaa ku baaqday in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo isla markaana cadaaladda lasoo taago cid kasta oo ku lug lahayd dhacdadan.

"Waxaan u baahannahay in aan fahamno sida falkan uu u dhacay oo aan qaadno dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan uga hortagno musiibadan oo kale inay mar kale dhacdo mustaqbalka," ayay tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM