Hadal uu jeediyay Erdogan oo sababay xasarad lacageed

Image

ANKARA — Qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa Talaadadii gaartay heerkii ugu hooseeyey kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay rabitaankiisa ah in la dhimo dul-saarka, kana digay in dalkiisa “uu ku jiro dagaal madax-banaani dhaqaale ah.”

Sarifka lacagta Lira ayaa gaartay 13 halkii dollar-ba, taasi oo ah qiimo dhac 15% ah maalin gudaheed ah, kahor inta aanay xoogaa yar dib usoo kaban.

Turkey ayaa wajaheysa xasaraddii lacageed ee ugu xumeyd tan iyo 2018 markii qiimaha Lira uu gaaray heerkii ugu hooseeyey xilligaas oo uu muran kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa Khamiistii tegtay u hoggaansamay cadaadiska Erdogan, wuxuuna siyaasaddiisa heerka dul-saar dhimista ka dhigay 15 boqolkiiba, halka markii hore ay ka aheyd 16, inkasta oo dalka uu wajahayo sicir-bar iyo qiimo dhac lacageed.

Erdogan oo aad uga soo horjeeda dul-saarka, isaga oo rumeysan in dul-saarka uu mas’uul ka yahay sicir-bararka ee aanu hoos u dhigeyn, wuxuuna mar kale Isniintii difaacay aragtidiisa.

“Waxaan aragnaa cayaarta ay kuwaas wadaan ee ku aadan lacagta, dul-saarka iyo sare u kaca qiimaha badeecadda, waxaana tusi doonnaa qorshaha cayaarteena,” ayuu yiri.

“Waan ku guuleysan doonnaa dagaalkan madax-banaanida dhaqaale ah, anaga oo kaashaneyna caawimaadda Allah iyo shacabkeena.”

Lacagta Lira ayaa lumisay 40 qiimaheeda marka loo eego dollar-ka, tan iyo billowgii sanadkan, waxaana sicir-bararka uu gaaray 20 boqolkiiba, taasi oo afar jeer ka badan bartilmaameedka dowladda.

Kadib hoos u dhacii Lira ku yimid Talaadadii, Erdogan ayaa la kulmay guddoomiyaha Bankiga Dhexe Sahap Kavcioglu, hase yeeshee wax faah-faahin ah lagama bixin kulanka

Taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in dhibaatooyinka dhaqaale ee Turkey ay cadaadis xooggan saari doonaan Erdogan oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweyne ee 2023, xilli ay mucaaradka dalkaas dhisayaan isbaheysi.

AFP

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM