Halkee ayuu marayaa dagaalka ka socda dalka Ukraine?

Image

UKRAINE - Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov.

Maamulka magaaladan ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku jiraan xaafado la deggan yahay iyo xarunta maamulka gobolka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay ciidamada cirka ee Ruushka ayaa ka degeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ee bariga dalkaas, waxaana imaanshaha ciidamada Ruushku ay keentay isku dhac markiibiiba jidadka magaalada ku dhexmaray shacabka oo kaashanaya ciidanka booliska iyo ciidanka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale xalay ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv duqeymo culus oo cirka ah, waxaana tan iyo markii uu billowda duullaanka Ruushka muddo toddobaad ah ay Mosccow isku dayeysaa inay qabsato magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ku tilmaamay "kaligii taliye" xilli uu xalay jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee State of the Union, toddobaad kadib markii Moscow ay weerartay Ukraine.

“Putin haatan wuu ka takooran yahay dunida si uusan weligiis arag, annaga oo wadajirna oo kaashanayna gaashaabuurteenna waxaan meeelmarinay cunaqabatayn dhaqaale oo xoog leh; waxaan bangiyada ugu waaweyn Ruushka ka goynaynaa hannaankii lacagaha caalamiga ah” Ayuu yiri Biden.

Qaar ka mid ah shirkadaha ugu caansan Maraykanka oo ay ka mid yihiin Apple, Google, Ford, Harley-Davidson, Exxon Mobil iyo Boeing ayaa ka horyimid duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyagoo joojiyay gebi ahaanba adeegyadii kala duwaan iyo xiriirkii gacansi ee kala dhexeeyay Ruushka.

Reuters, AP

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM