Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Image

DOHA — Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Qatar ahna wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Hamad bin Jassim Al Thani, ayaa sheegay in dagaalka ay Israel iyo Mareykanku kula jiraan Iran uusan ahayn xaalad si kedis ah ku bilaabatay, balse uu yahay qorshe muddo dheer ay Israa’iil ku doonaysay inay dib ugu qaabeyso Bariga Dhexe.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, Sheekh Hamad ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu muddo dheer ku dadaalayay inuu Mareykanka ku qanciyo dagaal ka dhan ah Iran, isagoo ku eedeeyay inuu gobolka gelinayo xaalad khatar ah.

“Waxaan arkeynaa dib-u-habeyn weyn oo gobolka ka socota,” ayuu yiri Sheekh Hamad, isagoo xusay in isbeddellada hadda socda ay saameyn doonaan Bariga Dhexe tobannaan sano oo soo socda.

Diblomaasigan hore ayaa ka digay in xiisadda ka taagan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ay tahay khatarta ugu weyn ee ka dhalan karta dagaalka, wuxuuna ugu baaqay dalalka Khaliijka inay sameystaan heshiis difaac oo mideysan si ay uga hortagaan khataraha amni ee sii kordhaya.

Sheekh Hamad ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu Mareykanka ku qanciyay “aragti marin habaabin ah” oo ahayd in dagaalka Iran uu noqon doono mid degdeg ah isla markaana dowladda Tehran ay toddobaadyo gudahood ku dhici doonto. Waxa uu arrintaas barbar dhigay isku dayo hore oo Mareykanku ku doonayay inuu ku beddelo dowlado kale, sida Venezuela.

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran, balse Netanyahu ugu dambeyn ku guuleystay inuu cadaadis saar ku sameeyo Washington si ay uga qeyb gasho dagaalka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM