Hamas Oo Hakisay Sii-deynta Maxaabiista, Israel-na Ku Eedaysay Xadgudub Heshiiskii Xabad Joojinta
Hamas ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqday inay hakisay sii-deynta maxaabiista qorshaysnaa in laga sii daayo marinka Gaza, iyadoo ku eedaysay Israel inay ka baxday shuruudihii heshiiskii xabad joojinta dagaalka 15-ka bilood ka socday magaaladda oo lagu xasuuqay 62,000 oo shacab ah.
Garabka milatari ee Hamas, oo loo yaqaan Qassam Brigades, ayaa sheegay in Israel ay saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay ku xadgudubtay heshiiska, iyadoo ay ku jirto dib u dhigista soo celinta dadka ku barakacay waqooyiga Gaza, diidmada gargaar la gaarsiiyo marinka, iyo duqaymo iyo rasaas ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan Gaza.
Afhayeenka Qassam Brigades, Abu Obeida, ayaa qoraal uu ku faafiyey baraha bulshada ku sheegay in sii-deynta maxaabiista oo lagu balansanaa inay dhacdo Sabtidii ay dib u dhacday ilaa amar dambe, ilaa Israel ay ku dhaqanto shuruudaha heshiiska oo ay magdhow ka bixiso wixii dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Kani waa war argagax leh oo soo wajahay qoysaska maxaabiista, iyadoo ururka Hostages and Missing Families Forum uu baaq u diray waddamada dhexdhexaadinaya wajiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.
“Caddaymo cusub oo laga helay maxaabiista la sii daayay, iyo xaaladda murugada leh ee kuwii Sabtidii lasii daayay, waxay muujinayaan in waqtigu yahay mid aad muhiim u ah, waxaana lagama maarmaan ah in dhammaan maxaabiista laga badbaadiyo xaaladdan xun si degdeg ah,” ayuu ururku yiri.
Intii lagu jiray sii-deyntii ugu dambaysay Sabtidii – taasoo ahayd tii shanaad tan iyo markii heshiisku dhaqan galay 19-kii Janaayo – Eli Sharabi, Or Levy, iyo Ohad Ben Ami ayaa lagu arkay iyagoo muuqaal ahaan aad u taag daran, waxaana sabab u ah go'doominta Israel ay saartay Gaza taasoo horseeday in dadka wax ay cunaan waayeen inuu ay duqeymaha socdeen.
Waddamada Qadar, Maraykanka, iyo Masar ayaa dhexdhexaadin ka waday wadaxaajoodyada u dhexeeya Israel iyo Hamas, iyadoo lagu hawlan yahay faahfaahinta wajiga labaad ee heshiiska.
Saraakiisha Israel ayaa cambaareeyay go’aanka Hamas, iyadoo Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, uu ku tilmaamay “jebinta buuxda heshiiskii xabad joojinta.”
“Waxaan faray IDF (ciidanka difaaca Israel) inay diyaar garowga ugu sarreeya sameeyaan si looga hortago xaalad kasta oo suurto gal ah Gaza, loona ilaaliyo bulshooyinka,” ayuu yiri Katz.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa toddobaadkii hore lagu cambaareeyay Bariga Dhexe kaddib markii uu soo jeediyay qorshe uu Maraykanka kula wareegayo Gaza – kana dhigi doono “riviera-ga Bariga Dhexe.”
Wareysi uu siiyay Fox News oo la filayo inuu Isniinta soo baxo, Trump ayaa sheegay in marka Gaza dib loo dhiso aysan Falastiiniyiinta xaq u yeelan doonin inay ku laabtaan guryahooda.
Ka dib hadalladii hore ee Trump toddobaadkii hore, afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa ku adkaysatay in Trump “ka go’an tahay dib u dhiska Gaza iyo in si ku meel gaar ah loo raro Falastiiniyiinta inta dib u dhiska socdo.”
Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka maxalliga ah, dagaalka Gaza oo billowday kadib weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 62,000 oo qof, iyadoo lagu dhaawwacay in ka badan 100,000 oo kale.
GAROWE ONLINE