Hanjabaad Mareykanka u jeediyey Sacuudiga oo "dhicisowday"

Image
Ku dhowaad laba bilood ayaa kasoo wareegatay markii Biden uu hadaladan jeediyay.

WASHINGTON, USA - Ku dhawaad ​​​​laba bilood oo dhameystiran ayaa kasoo wareegatay kadib markii madaxweyne Joe Biden uu wacad ku maray "in uu jiri doono cawaaqib" ay boqortooyadda Sacuudi Carabiya la kulmi doono kadib markii ay dhintey wax soo saarka saliidda.

Hase ahaatee, Mareykanka ayaan wali qaadin wax talaabo oo ku wajahan Riyadh, sidda ay sheegeen laba sarkaal oo ku dhow Aqalka Cad kuwaasoo ay soo xigatay warbaahinta NBC.

Xiriirka Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay kadib markii Sucuudigu ku cadaadiyey xubnaha ururka OPEC inay dhimaan wax soo saarka saliida 2 milyan oo barmiil maalintii shirkoodii Oct. 6.

Laakin wixii markaas ka dambeeyay qiimaha gaaska ma uusan kicin sida saraakiisha Mareykanka ay ka baqayeen. Falanqeeyayaasha waxay aaminsan yihiin inay hoos uga dhici karaan $3 gallon ka hor dhammaadka sanadka.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad oo magacyadooda uga gaabsadey in aan loo ogolayn la hadalka saxaafadda ayaa caddeeyay inay sii wadayaan qiimeynta xiriirka kala dhexeeya Sacuudiga.

"Kani waa xiriir siddeetan sano ah oo dheer, waxaan sii wadi doonaa inaan qiimeyno xiriirka Sacuudiga si habaysan iyo istiraatijiyadeed, iyo si waafaqsan waxa danteena ku jirto," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku xukumi doonaa sida loo socdo iyadoo ku saleysan ficiladooda iyo sidoo kale la tashiyadayada joogtada ah ee aan la leenahay asxaabta iyo xulafada, Congress-ka cusub, iyo Sacuudiga."

Saraakiisha maamulka Biden iyo xubnaha Congress-ka ayaa cambaareeyay go'aankii Oktoobar, iyadoo afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby uu sheegay in Sacuudigu ay ogaayeen inay "kordhin doonto dakhliga Ruushka oo ay caddeeyaan waxtarka cunaqabataynta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM