Hardanka loo galayo madaxtinimada Iiraan oo meel sarre gaarey

Image
Lix musharax oo uu kujiro Afhayeenkii baarlamaanka Iiraan ayaa illaa haatan liiska kusoo baxay.

TEHRAN, Iiraan - Lix musharax oo uu kujiro Afhayeenkii baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa ku soo baxay doorashada Madaxtinimada dalkaasi ee dhici doonta 28-ka June ka dib geeridii madaxweyne Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Golaha guud ee Ilaalada dalkaasi ahna guddiga turxaan bixinta dastuurka, ayaa ansixiyey xubnahaan oo uu kujiro madixii hore ee arrimaha Nukliyeerka Saeed Jalili iyo duqa magaalada Tehran Alireza Zakani inay u tartamaan, halka 74 kalena laga reebay loolanka doorashada.

Ghalibaf oo 62 jir ah, horena u ahaan jiray taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska, isagoo xilka madaxweynaha u soo tartamay 2005, 2013 iyo 2017, markii uu ka tanaasulay Raisi.

Xubnaha ugu caansan ee loolanka laga reebay waxaa kamid ah Mahmoud Ahmadinejad, madaxweynihii hore ee dadweynaha, iyo sidoo kale musharaxa qunyar socodka ah, horeyna u soo noqday afhayeenkii seddexaad ee baarlamaanka Ali Larijani oo labadaba horay looga reebay doorashooyinkii 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM