Haweenay loo xiray in ay faras ku tilmaamtay xaaska seygeedii hore

Image

DUBAI, United Arab Emirates – Maxkamad ku taala dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa laba sano oo xabsi ah ku xukuntay Londoner Laleh Shahravesh.

Shahravesh, 55-sano jir haysata dhalashada Ingiriiska, ayaa wajahaysa dacwad ku aadan in ay faras ku tilmaamtay xaaska ninkeedii hore.

Sharciga Imaaraadka ayaa dhigaya qofkii ruux kale ku aflagaadeeya baraha bulshada uu wajaho xabsi ama ganaax lacageed oo ay xeer-beegtadu xukmiso.

Eedaysanaha ayaa haatan fursad u haysta in uu bixiyo aduun dhan 50-kun oo dollar si uu uga badbaado xukunkaasi xabsiga ah.

Ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha ee ka jira dalkaasi Carbeed ayaa cambreeyay xukunkaasi, iyaga oo ku tilmaamay xadgudub.

Hadaladaan Shahravesh ayaa yimid iyada oo ka fal-celineysa markii ay wadno xanuun u geeriyoodeen seygeedii hore iyo aabihiis oo ay duugtooda ka qaybgashay.

"Waxaan rajeynayaa in aad dhulka la geli doontid doqonimadeeda … waxaad igaaga tagtay faraskaan," ayay kusoo qortay barteeda xiriirka bulshada ee Facebook.

Shahravesh oo ninkeedii hore uu ku guursaday 18-sano jir ayaa sideed bilood ku noolaa Imaaraadka, balse kadib kala tagooda ayay ku laabatay UK iyada oo wehliso gabadh yar oo ay kala heleen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM