Haweenay maxbuus ah oo xabsi guri loo geliyey si ay u dhasho

Image
Anhar al-Deeq oo sida uur sagaal bilood ah ayaa la sheegay in ay xiran tahay tan iyo bishii Maarso

TEL AVIV, Israel - Haweenay maxbuus reer Falastiin ah oo uur leh ayaa  waxaa laga sii daayay xabsi ku yaal Israa’iil si loo geliyo xabsi guri si ay halkaas ugu dhasho.

Tallaabadan ayaa timid kadib caro iyo olole dadweyne oo si weyn u faafay baraha bulshadda isla markaana soo jiitay indhaha iyo cambaareynta caalamka.

Anhar al-Deeq, 25 jir uur leh muddo sagaal bilood ah, ayaa laga sii daayay xabsiga Damon ee Israa’iil goor dambe oo Khamiistii ah si loo dhigo xabsi guri ku yaala tuulada Kafr Nai’ma oo qeyb ka ah dhulka la haysato Daanta Galbeed kadib markii ay bixisay dammaanad ka badan 12-kun doolar.

Anhar ayaa la xiray bishii Maarso kadib markii ay gashay xero sharci darro ah oo Israa’iil ka dhistey meel u dhow Kafr Nai’ma gaar ahaan dhul ay leeyihiin qoyska al-Deeq.

Ka dib markii ay ka hor-yimaadeen dhowr iyo toban qof oo Yahuuda halkaas dejisay, Anhar waxaa xiray askarta Israa’iil oo ku eedeeyay "isku day weerar mindi".

Jimcihii, markii Anhar iyo qoyskeedu u dabaaldegayeen sii deynteeda kadib muddo ay xirneyd, walaalkeed Axmed wuxuu sheegay in qoysku ku nafisay sii deynteeda.

Laga soo bilaabo sanadkii 1972-dii, sideed kiis oo haween uur leh oo reer Falastiin ah ayaa la diiwaan-geliyey in ay dhaleen ayaga oo ku jira xabsiyadda Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM