Haweenay nooleed 99-sano xili xubno jirkeed kamida meel qaldan ka yaaleen

Image

OREGON, United State of America – Haweenay u dhalatay Mareykanka ayaa ku geeritootay da'da 99-sano jir iyada oo xubno kamida jirkeeda ay ka yaaliin, taasi oo ah xaalad naadir ah.

Rose Marie Bentley, oo geeritootay October 2017-kii, ayaa waxaa jirkeeda loogu deeqay qaybta cilmi baarista Jamaacad ku taalla magaalada Portland ee gobolka Oregon.

Ardaya baartay jirka ayaa ogaaday in xubno kamid ah jirka haweenaydaan aysan ku yaalin goobihii loogu talogalay, iyaga oo su'aal ka keenay in ay ku nooleed nolol raaxo leh.

Inkasta oo qaliin kala duwan horey loogu sameeyay, xaaladaan wali ma aysan soo if-bixin in ay ku nooleed.

Dhakhaatiirta ayaa intaasi ku daray in haweenaydaan ay awoodi kartay in ay sii noolaato wax badan balse uu cimrigeeda soo gaabisay xaaladaan, wallow geeridu ay qoran tahay.

"Beerkeeda, caloosha iyo xubnaha kale ee caloosha ayaa kasoo dhaqaaqay midig oo yimid bidix .. Wadnaheeda, waxa uu ku sugnaa goobtii loogu talogalay ee ah bidixda," ayay sheegeen.

Waa markii ugu horeysay oo cilmi baaris noocaan ah ay soo bandhigaan dhakhaatiir. "Kuma doodeyno in geerideedu sababtay tani … balse waa xaqiiqada aan ogaanay," ayay raaciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM