Haweeney loo xiray in ay "qashin" ku tilmaamtey madaxwayne

Image
Valerie ayaa la maxkamadeyn doonaa 20-ka June, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

PARIS, France - Haweeney lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa la maxkamadeyn doonaa 20-ka June, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

Valerie, oo kamid ah banaanbaxayaasha ku caan baxay jaakada jaalaha, ayaa, sidda laga soo xigtey wargeyska La Voix Du Nord, waxaa la dhigay xabsiga 24-kii Maarso.

Sidda ku xusan warbixinta, Valerie ayaa loo haystaa in ay darbi ku qortey "Marcon waa qashin". Fariintaas ayaa kamid ahayd eryo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska oo dibad-bax lagu soo bandhigay.

Mudaaharaadka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada ay Valerie degan tahay ee Saint-Omer ee waqooyiga Faransiiska. Sawirka erayga ay soo qortey ayaa ku faafay baraha bulshadda.

"Qashinku wuxuu kula hadli doonaa berri 1:00 duhurnimo, dadka aan macnaha lahayn, had iyo jeer waxaan ka heleynaa qashinka TV-ga," ayay ku soo qortay ciwaankeeda Facebook.

Valerie oo magaceeda dhameystiran aan lasoo bandhigin ayaa waxay u sheegtay booliiska in ay qortay fariin ku salaysan sidda aysan ula dhacsaneyn hanaanka hogaamineed ee Macron.

"Waxaa loo geeyey dacwad oogaha oo u sheegay in maxkamad la soo taagi doono kadib markii ay aflagaadeysay wakiil dowladeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta joornaalka La Voix Du Nord.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM