Haweeney si cajiib ah uga badbaadey dil toogasho lagu xukumay 2010-kii

Image
Mary Jane Veloso ayaa xukunkan loogu riday in ay qadatay maandooriyaha Heroin-ka.

LONDON, UK - Haweeney u dhalatay waddanka Filibiin oo ku dhawaad ​​15 sano kahor lagu riday xukun dil ah ayaa waxau ugu dambeyn gurigeeda ku soo laabatay.

Mary Jane Veloso ayaa lagu xukumay dil sannadkii 2010-kii ka dib markii lagu helay iyadoo wadata 2.6kg (5.7lb) oo maandooriyaha Heroin ah iyadoo dhex maraysay madaarka Indonesia.

Laakiin hooyadeeda 39-jirka ah ee leh laba carruur ah ayaa had iyo jeer ku adkaysan jirtay in lagu siray inay qaadato daroogada ayna mar walba ka taagneyd fagaaraha maxkamadda.

Arbacada maanta ah ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Manila, kadib markii labada dowladood ay gaareen heshiis u ogolaanaya inay ku laabato dalkeeda.

Kiiska Ms Veloso ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha ee Filibiin, kaas oo aan lahayn ciqaab dil ah, waxayna qaar sheegeen in cadaalad buuxda ay heshay Veloso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM