Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Image

Kathmandu, Nepal – Sushila Karki, oo horey u ahayd guddoomiyihii maxkamadda sare ee Nepal, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay inay noqoto ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee dalka, kaddib markii mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa ay meesha ka saareen xukuumaddii hore.

Karki, oo 73 sano jir ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dalka saboolka ah ee buuraleyda Himalaya, kaddib heshiis siyaasadeed oo ay la gaartay hogaamiyeyaasha dibadbaxyada.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay iskahorimaadyo dhex maray dadka mudaharaadaya iyo booliiska rabshadaha ka hortaga intii uu socday kacdoonka maalmahan socday, kaasoo ka dhashay amar xukuumaddu ku mamnuucday baraha bulshada.

Inkasta oo amarkii xanibaadda la qaaday Isniintii, haddana dibadbaxyadu durba waxay isu beddeleen dhaqdhaqaaq ballaaran oo lagu diidan yahay musuqmaasuqa iyo cadaalad-darrooyinka.

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka ee magaalada caasimadda ah ee Kathmandu, taasoo cadaadis xooggan ku saartay Ra’iisul Wasaarihii hore KP Sharma Oli, kuna qasbay inuu iscasilo.

Dowladda cusub ee ku-meel-gaarka ah ee ay hoggaamineyso Sushila Karki ayaa wajahaysa caqabado badan oo ay ka mid yihiin soo celinta xasiloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladda, iyo soo afjaridda dhaqanka musuqmaasuqa ee dalka ragaadiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM