Haweenka oo dib-u-bilaabay baahinta Tv-yada Afganistan

Image
Image
Image

KABUL, Afghanistan - Dumarka ayaa dib kaga soo muuqdey qaar kamid ah shaashadaha telefishinada waaweyn ee dalka Afghanistan kadib saacado ay ka maqnaayeen markii kooxda Taliban ay xukunka si lama filaan ah ula wareegtay.

ToloNews oo ka mid ah warbaahinta waaweyn ee Afgaanistaan ayaa noqdey telefishinkii ugu horeeyay ee dumarka ay war ka akhriyaan iyaddoo ay awooda u gacan-gashay falaagadda hubeysan.

Madaxa wararka Tolo, Miraqa Popal, ayaa soo dhigtay bartiisa twitter -ka sawir muujinaya haweeney soo -jeedin ah oo wareysaneysa xubin ka tirsan kooxda warfidiyeenka Taliban gudaha istuudiyaha Tv-gaas.

Sidoo kale, wuxuu si gooniya u soo bandhigay sawir muujinaya haweenay ku labisan xijaab oo ka qaybgalaysa kulan subax oo ka dhacay qolka wararka kaasoo u muuqdey mid lagu gorfeynayay howl-maalmeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Saad Mohseni, oo ah milkiilaha Moby Group - oo ka kooban Tolo TV iyo Tolo News TV - ayaa shalay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan kuu xaqiijin karaa in dadkeennu ay hagaagsan yihiin oo aan sii wadi doono baahintayada aan kala go’ lahayn inta lagu jiro ‘kala -guurka’".

Moby Group waa isha ugu weyn madadaalada, wararka iyo barnaamijyada arrimaha taagan ee Afghanistan. TV-ga dowladda, oo ay Taliban la wareegeen fiidnimadii 15 -kii Ogosto, ayaa inta badan baahin jiray barnaamijyo diimeed.

TV-ga Shamshad, oo uu leeyahay kaaliyihii hore ee madaxtooyada, ayaa si weyn baahiyay waxyaabo badan oo taageera Taliban. Kanaalka wuxuu faafiyey muuqaalka dadweyne ku ammaanaya kooxda "in ay soo celisay amniga waddanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM