Hay'adda FBI oo baartay guriga madaxweyne Joe Biden

Image
Sirta qaran ayaanan la ogoleyn in ay bannaanka u baxdo intii sanooyin badan ah

WASHINGTON, USA - Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa muddo 13 saacadood ah baaritaan ku haysay guriga madaxweynaha dalkaasi Joe Biden ee ku yaala degmada Delaware, halkaas oo ay kasoo heleen dokumendiyo sir qaran ah.

Biden ayaa la sheegay in si iskiis ah ugu ogolaaday FBI-da in ay baaraan gurigiisa, iyaga oo aanan haysanin wax waaran maxkamadeed ah oo ay ku baaraan guriga madaxweynaha.

Horey ayaa guri kale oo uu degenaan jirey madaxweynaha looga heley dokumendiyo sir qaran ah oo ay ahayd in lagu kaydiyo ama la dhigo aarkiifiyada qaranka oo ah tan dastuurka u ogolyahay in ay hayso sirta qaran.

Waraaqahan la heley iyo kuwii horeba ayaa quseeya xilligii Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka, wuxuuna qaanuunka dhigayaa in uu wareejiyo marka uu xilkaasi ka dagayay sanado ka hor.

Arrintan ayaa keentay su’aalo la iska weydiinayo hufnaanta Biden xilli arrintan oo kale lagu haystay laguna dacweeyay madaxweynihii hore Donald Trump oo si ula kac la sheegay in uu gurigiisa u qaatay waraaqo sir qaran ah.

Sirta qaran ayaanan la ogoleyn in ay bannaanka u baxdo intii sanooyin badan ah, waxayna inta badan ku saabsanyihiin go’aano ay madaxda iyo maamulka gaareen intii ay xilka joogeen.

Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu markale isu soo sharaxo xilka madaxtinimada Maraykanka, waxayna arrimahani saamayn doonaan ololahiisa doorashada iyadda oo ay fursad horleh u abuureyso mucaaradkiisa oo ah xisbiga Jamhuuriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM