Hay'ad sirdoon oo gudbisay dalab ka dhan ah dad ay Soomaali ku jiraan

Image

CANBERRA, Australia – Hay'adda mukhaabaraadka Australia ayaa ka codsatay baarlamaanka waddankaas in uu cusbooneysiiyo sharciga argagixiso la dirirka kaasoo dhacaya sanadka dambe ee nagu soo aadan 2021-ka.

Talaabadaan ayaa kusoo hagaageysa xilli lagu waddo in ay dalkaas dib ugu laabtaan sideed muwaadin oo dhalasho ka haysata balse qaarkood ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya kuwaasoo aadey Bariga Dhexe.

Sidda laga soo xigtay warbixinta hay'adda, khatarta kooxaha argagixisada ah ku hayaan ammaanka Australia ayaan isku dhimin si waxtar leh.

Shuruucda argagixiso la dagaalanka Australia ayaa xeerinaya in qofkii lagu helo dambi noocaas ah lagu xukumi karoo tobban sano oo xabsi ah.

Khabiirada oo duray shuruucda waxay sheegeen in uusan dhabaha u xaareyn in dadka aan dambiga gelin ay helaan cadaalad, iyagoo hoosta ka ka xariiqay mid ogolaanaya in ganacsi laga sameeyo dadka colaadaha lagu qabto.

Ian McCartney, taliyaha booliska Australia, ayaa daaha ka rogtay in Soomaaliya, Yemen, Liibiya, Afghanistan iyo Philippines ay kamid yihiin meelaha halista uga imaan karto qarankeeda, iyadoo xoojisay in il gaar ah lagu eego.

Tan iyo 2012-kii, sidda warbixin lagu sheegay 80 kamid ah 230 qof oo ku nool Australia ayaa u dhoofay dalalka ay colaaduhu ka jiraan; 100 kamid ah waa la dilay, halka 40 ay soo laabteen kuwaasoo walaac ku haya dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqa magaalada New York oo diiday in loo kordhiyo mushaharkiisa

Waxa uu Mamdani ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ah isla markaana hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Gobolka NY.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 07:48AM

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM