Hezbollah oo hakiyay weerarada ka dhanka ah Maraykanka

Image
Go’aanka Hezbollah ayaa imaanaya maalin ka dib markii lagu eedeeyay weerarkii lagu dilay askar Mareykan ah.

Baqdaad (GO) - Guutada Hezbollah ee Ciraaq oo ay taageerto Iran ayaa ku dhawaaqday in ay hakiyeen dhammaan howlgalladii militari ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

Go’aanka Guutada ayaa imaanaya maalin ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah oo ka dhacay dalka Urdun.

Kooxdan oo uu Maraykanku ku daray liiska argagixisada, ayaa go’aankooda ku macneeyay in aysan doonin inay “ceebayaan” dawladda Ciraaq oo cambaaraysay weerarka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Docda kale, afhayeenka Pentagon-ka Pat Ryder ayaa yiri: "Waxaan akhrinay bayaankii Xisbullah Ciraaq oo ay ku shaaciyeen joojinta howlgalladooda ka dhanka ah ciidamadeena, waxaana leenahay ficillada ayaa ka muhiimsan hadalka."

Go’aanka kooxdan ayaa imaanaya saacado yar kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu qaatay go’aankiisa ku aadan sidii uu uga jawaabi lahaa weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM