Hezbollah oo sheegtay in ay beegsadeen taangi ay leedahay Israa'iil

Image
Weerarkan ayaa qeyb ka ah ololaha iska-caabinta ee ay waddo kooxda reer Lubnaan.

LONDON, UK - Xisbullah ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay adeegsadeen gantaal la hago oo ka hortaga hubka ay ku garaaceen taangi ay leeyihiin Isreal ee Merkava, xilli ay ku sii siqayeen deegaanka keymaha Maroun, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Hezbollah ayaa sheegatay todobo weerar oo ay ku qaadeen ciidamada Israel ilaa iyo maanta iyagoo isku dayaya inay balaariyaan duulaanka dhulka ee Lubnaan, iyadoo kii ugu dambeeyay ay u adeegsadeen gantaal Fadi 1 ah oo ay ku garaaceen saldhiga milatari ee Ramat David oo u dhow magaalada waqooyiga ku taal ee Haifa, qiyaastii 45km (30) mayl) laga bilaabo xadka Lubnaan.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadeeda ay qaadeen dhowr gantaal oo ay ku bartilmaameedsanayeen askarta Israa’iil ee ku dhow xadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM