Hillary Clinton oo shaacisey inay u tartameyso madaxtinimada USA

Image

April 13, 2015 (GO)- Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa shaacisey inay u tartami doonto murashaxa xisbiga dimuqraadiga uga qayb galeya doorashada madaxatinimada Maraykanka ee sanadka 2016.

Farriin muuqaal ah oo shalay  lagu baahiyey bogga ay ku leedahay internetka ayey ku sheegtay inay ka qayb geli doonto doorashada.

"waxan ka qayb gelayaa doorashada...dhammaan dadka Maraykanku waxay doonayaan halyey aniguna waxan doonayaa inaan noqdo halyeyga ay doonayaan" ayey tiri.

Ololaha doorashada Clinton waxaa ku bixi doona adduun lacageed oo gaaraya 2.5 bilyan oo doolar, waxayna haddii xilkaas loo doorto noqonaysaa haweenaydii ugu horreysey ee dalka Maraykanka madaxweyne ka noqoto. Saygeeda Bill Clinon ayaa muddo siddeed sano ah Maraykanka soo hoggaaminayey.

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo Barack Obama ayaa guul u rajeeyey Hillary Clinton isagoo xusey in haddii la doorto ay noqon doonto madaxweyne wanaagsan. Obama iyo Clinton ayaa sanadkii 2008 ku tartamey murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga, taasoo markii dambe guushu ku raacdey Barack Obama.

Hillary Clinton oo 67 jir ah waxaa la filayaa in haddii ay ku guuleysato murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga uu loollan xoogani dhex maro guddoomiyihii hore ee gobolka Florida Jeb Bush, kaasoo ah wiilka madaxweynihii 41-aad ee dalkaas George HW Bush islamarkaana ay walaalo yihiin madaxweynihii ka horreeyey Brack Obama George W Bush. Jeb Bush ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu cad cad in loo magacaabo murashaxa xisbiga dimuqraadiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM