Hindiya: Caro ka dhalatay Muslimiin la weeraray iyagoo tukanaya Taraawiix

Image
Hindiya ayaa ku suntan dal ay ku badan tagay naceybka ka dhanka ah Diinta Islaamka iyo Muslimiinta.

NEW DELHI, India — Ugu yaraan afar arday oo ajaaniib ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii koox xagjir ah oo Hinduus ah ay weerar ku qaadeen hool jaamacadeed oo ku yaala gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Xilliga falku dhacayay waxay arday ku tukanayay salaada Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa Axaddii ballan qaaday inay qaadi doonto "tallaabo adag oo ka dhan ah dembiilayaasha", iyadoo booliiska maxalliga ah ee gobolka uu ka soo jeedo Ra'iisul Wasaare Narendra Modi uu sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarkii Jaamacadda Gujarat.

Ardaydan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in koox yar ay habeenimadii Sabtida isugu soo baxeen gudaha dhismaha hoyga wiilasha oo ay ku tukanayeen salaadda Taraawiixda maadaama uusan jirin masjid ku yaal dhismaha jaamacadda oo xaruntiisu tahay magaalada Ahmedabad.

Wax yar ka dib, koox ku hubeysan ulo iyo mindiyo ayaa gudaha u galay hotelka, iyaga oo weeraray oo burburiyay qolalkii ay deganaayeen, sida ay sheegeen.

Hindiya ayaa ku suntan dal ay ku badan tagay naceybka ka dhanka ah Diinta Islaamka iyo Muslimiinta, waxaana si joogto ah looga soo wariyaa falal Islaam naceybnimo ah iyadda oo dowladda ay ku fashilantay in ay la tacaasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM