Hindiya: Dad ku dhintay dhisme ku dumay gobolka Uttar Pradesh

Image
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen dhacdadan.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen markii uu ku soo dumay dhismo ku yaalla waqooyiga gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhisme saddex dabaq ah ayaa ku soo dumay magaalada Lucknow galinkii dambe ee Sabtidii, taasoo keentay in maamulka uu billaabo hawlgal samatabbixin ah.

RN Singh, oo ah sarkaal booliis ah, ayaa xaqiijiyay dhaawaca wuxuuna sheegay in dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo.

Saraakiisha ayaa sheegay in gurmadka uu socdo.

Dhismahan ayaa la dhisay sanado ka hor, waxaana dhismuhu uu socday markii uu shilku dhacay, sida uu sheegay booliisku.

Inta badan dhibbanayaashu waxay ka shaqaynayeen dabaqa hoose, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Hindiya.

Waxa ay sheegtay in dhismuhu uu lahaa "tabobar mootada iyo bakhaar ku yaal dabaqa hoose, godown caafimaad (qol sahayda) oo ku yaal dabaqa koowaad iyo bakhaar wax lagu gooyo oo ku yaal dabaqa labaad."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM