Hindiya: In ka badan 25 qof oo ku dhintey dab qabsadey bas rakaab

Image
Baska gaarka loo leeyahay ayaa ka yimid magaaladda Nagpur kuna socday dhigeeda Pune.

NEW DELHI, Hindiya - 25 rakaab ah oo saarnaa bas ayaa dhintay kadib markii uu dab ku qabsaday galbeedka Hindiya, sidda laga soo xigtey laamaha ammaanka iyo warbaahinta maxaliga ah.

Shilkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Jidka lagu magacaabo Samruddhi oo ku yaalla degmada Buldhana ee gobolka Maharashtra Sabtida maanta ah, sidda ay booliisku sheegeen.

Baska gaarka loo leeyahay ayaa ka yimid magaaladda Nagpur kuna socday magaaladda Pune ayaa shilkan galay abaare 1.30 subaxnimo meel u dhow tuulada Pimpalkhuta, sida ay booliisku sheegeen.

Sidda laga soo xigtey warbixinta bileyska, baska ayaa marka hore waxa uu ku dhacay geed weyn taas oo keentey in uu rogmado kadibna uu dab xooggan ka kaco.

"Waxaa baska saarnaa 33 qof oo rakaab ah," ayuu sarkaal ciidan oo saxaafadda soo xigatay, isagoo intaa ku daray siddeedda rakaab ah ee badbaaday in la dhigay isbitaal u dhow.

Sarkaalkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn in uu la hadlo saxaafadda ayaa intaas ku daray: "Qaar badan oo ka mid ah rakaabka ayaa waxay kasoo jeedaan Nagpur, Wardha iyo Yavatmal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM