Hindiya: Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyootay dagaal beeleed

Image
Ku dhawaad ​​10,000 ruux kale ayaa lagu soo waramay inay u barakaceen sababo ku aadan qulqulatooyinkan.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay isku-dhacyo salka ku haya isir oo ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalka Hindiya ee Manipur, sidda ay saraakiishu sheegeen.

Rabshadaha ayaa billowday horraantii usbuucan kadib markii dadka loo arko in ay asal ahaan degaan gobolkan ay sameeyeen isu-soo-bax ay kaga soo horjeedaan tillaabooyinka lagu siinayo maqaamka qabiilka ee qowmiyadda ugu weyn gobolka.

Kooxo ayaa weeraray guryo, gaadiid, kaniisado iyo macbadyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 54 qof isla markaana dhaawaca uu intaas kasii badan yahay.

Ku dhawaad ​​10,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay barakaceen sababo ku aadan qulqulatooyinkan. Kumanaan ciidamo ah ayaa loo diray aaggan si ay xaalada u xakameeyaan.

Degmooyin dhowr ah ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la joojiyay isticmaalka internet-ka taasoo hoos-u-dhigtey fursada macluumaad dheeraad ah looga heli karo xaaladda degaanka.

Dowlad goboleedyadda deriska ka ah Manipur ayaa bilaabay inay ardaydooda ka daadgureeyaan magaalada Manipur, oo ku taal waqooyi bari Hindiya, una dhow xadka Myanmar.

Qabiilka Meitei, oo ah ugu yaraan 50% ka ah dadweynaha gobolka Manipur, ayaa waxa uu dalbanayay muddo sanado ah in la siiyo maqaamka ugu sareeya degaanka.

Hindiya ayaa isbadal ku sameysay xeer dhaqameed ahaa in shaqooyinka dowladda, iskuulada iyo kuraasta lasoo doorto ee heerarka dowlad goboleedyada lagu qeybiyo qaab beeleed.

Xeerkan wuxuu beesha Meiteis siinayay inay helaan dhulalka kaynta waxayna dammaanad qaadayaan in aysan heli doonin qayb ka mid ah shaqooyinka dawladda iyo boosaska xarumaha waxbarashada.

Qabiilada kale ayaa waxay ka walaacsan yihiin inay lumiyaan gacan ku haynta guryaha kaynta awoowayaashood taasoo dhabaha u xaartey isku-dhacan dhimashadda badan sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM