Hindiya oo askar ku wayday diyaarad ku burburtey xadka Shiinaha

Image
Labada dal waxaa ka dhex-aloolsan xurguf ku saabsan cidda ay hoostagto gobol ku dhow sohdinta.

NEW DELHI, India - Shan askari oo ka tirsan ciidamada Hindiya ayaa ku dhintay markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay meel u dhow xuduudka lagu muransan yahay ee dalkaas uu la wadaago Shiinaha, sida ay sheegtey wasaaradda difaaca.

Diyaarada Helicopter-ka ee Advance Light ayaa ku soo dhacday Jimcihii koonfurta Tuting, oo ah magaalo fog oo u dhow khadka kantaroolka dhabta ah ee kala qaybiya gobolka waqooyi bari ee Arunachal Pradesh ee Hindiya dhulka Shiinaha.

Afar mayd ah ayaa la helay, samatabbixiyeyaashuna waxa ay ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen qofkii shanaad ee ugu dambeeyey ee diyaaradda helicopter-ka saarnaa, ayaa lagu yidhi bayaanka.

"Ciidanka Hindiya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya (waxayna) si adag u garab taagan yihiin qoysaska laga dhintay," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhiga.

Shilkan ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii duuliye ka tirsan ciidamada Hindiya la dilay xilli uu ku guda jiray duullimaad caadi ah oo saarnaa diyaarad nooca loo yaqaan Cheetah Helicopter oo ku sugneyd magaalada Tawang ee bariga gobolkaasi.

Shiinaha iyo Hindiya ayaa sanadkii 1962-dii u dagaalamay si culus sababo ku saabsan maamulka Arunachal Pradesh, kaas oo Beijing ay gebi ahaanba sheegato oo ay u aragto qayb ka tirsan Tibet.

Xiisada ayaa ka dhex aloosantay wadamada tan iyo markii ay isku dhaceen meel kale oo ku taal xuduuda lagu muransan yahay ee Himalayan sanadkii 2020 kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 20 askari oo Hindi ah iyo ugu yaraan afar askari oo Shiinees ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM