Hindiya oo Diidey Iney Dhag Jalaq u Siiso Hanjabaad ka Timid Madaxweyne Trump

Image

(GO) - Warbixin uu daabacay wargeyska New York Times ayaa tilmaamaysa in Dowladda Hindiya aysan wax isbedel ah ku samayn qorshaheeda shidaal iibsiga Ruushka, inkasta oo Madaxweyne Donald Trump uu horey u muujiyay in cunaqabateyn lagu soo rogi karo dalalka sii wada xiriirka ganacsi ee Ruushka, gaar ahaan saliidda iyo hubka.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Hindiya ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam rasmi ah oo dowladda ka soo baxday oo shirkadaha shidaalka lagu farayo in ay joojiyaan ama yareeyaan saliidda ay ka keensadaan Ruushka. Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa xusay in “aan wax talo ah la siin shirkadaha shidaalka ee ku saabsan jaridda saliidda Ruushka.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in Trump uu mar uu hadal ka jeedinayay bartiisa Truth Social bishii Luulyo ku hanjabay in Hindiya iyo dal kasta oo sii wada iibsiga saliidda Ruushka la saari doono canshuur dhan boqolkiiba boqol, haddii uu Ruushku heshiis nabadeed la gaarin Ukraine. Si kastaba, hadal dambe ayuu ku tilmaamay in arrimahaasi aysan khuseyn.

Trump ayaa Jimcihii u sheegay weriyeyaasha in uu helay war sheegaya in Hindiya ay joojisay iibsiga saliidda Ruushka. Laakiin xogaha laga helay gudaha Hindiya arrintaas ma caddeyn, waxaana la sheegay in aysan jirin isbedel rasmi ah oo ka yimid siyaasadda shidaalka ee dalkaas.

Sida la og yahay, Ruushku waa dalka ugu weyn ee saliidda siiya Hindiya, isaga oo bixiyaa ku dhawaad 35% baahida saliidda ee dalkaasi. Inkasta oo warbixinno hore ay sheegayeen in shirkadaha Hindiya ee dowladdu leedahay ay hoos u dhigeen iibka saliidda Ruushka bishii Luulyo, haddana muuqata in xiriirka ganacsi ee labada dal uu weli xooggan yahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM