Hindiya: Qarax xooggan oo burburiyey dhisme maxkamad

Image
Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan. Sidoo kale, waxaan wali la ogayn cidda ka dambeysa weerarka.

NEW DELHI, India – Qarax xooggan oo ka dhacay dhisme maxkamadeed oo ku taal Ludhiana, oo ah magaalo ku taal waqooyiga gobolka Punjab ee dalka Hindiya, ayaa sababay geeridda ugu yaraan laba qof, laba kalena waa ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxan dhacay Khamiista maanta ah ayaa waxyeello u geystay gidaarada qolka nasashada ee dhismaha garsoorka iyo burburay muraayadaha qolalka kale, sidda uu baahiyey telefishinka NDTV ee maxaliga ah.

Muuqaal lasoo dhigay online-ka ayaa muujinayay ciidamo booliis ah oo dadka dhaawaca ah kasoo saaraya dhismaha. Saraakiisha ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo dadka kale ka codsanaya inay ka baxaan dhismaha.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan. Sidoo kale, waxaan wali la ogayn cidda ka dambeysa weerarka.

Madaxa gobolka Punjab, Charanjit Singh Channi, ayaa daaha ka rogay in dowladdu ay "feejigan tahay" wuxuuna ku dhawaaqay "baaritaan".

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Channi sidoo kale ku muujiyay sida uu uga xun yahay qaraxa, wuxuuna sheegay inuu ku sii jeeday goobta.

"Waxaan u xaqiijinayaa dadka gobolka in dembiilaha aan la dhaafi doonin," ayuu qoray. "Cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso nabadda iyo wada noolaanshaha dowladnimada, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM