Hindiya: Taliye iyo xaaskiisa oo ku dhintay shil diyaarad

Image
Lama oga sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxaana maamulka uu sheegay inay fureen baaritaan.

NEW DELHI, India - Taliyaha difaaca ee Hindiya, General Bipin Rawat, xaaskiisa, iyo 11 qof oo kale ayaa dhintay kadib markii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay koonfurta gobolka Tamil Nadu, sida ay sheegeen ciidamada cirka Hindiya [IAF].

IAF ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ku sheegtay "shilkan naxdinta leh wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Coonoor duhurnimadii (06:30 GMT) Arbacadii".

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Mi-17V5 oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duushay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin kuna sii jeeday Kuliyadda Shaqaalaha ee Difaaca, waxaana ay burburtay.

Lama oga sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxaana maamulka uu sheegay inay fureen baaritaan. Ciidanka cirka ayaa sheegay in hal sarkaal oo lagu magacaabo Kabtanka kooxda Varun Singh uu badbaaday laguna daweynayo isbitaal militari.

Sannadkii 2015-kii, Rawat waxa uu kormeeray weeraro ay Hindiya ku qaaday dalka deriska la ah ee Myanmar, markii taliyayaasha ciidamada ay soo galeen waddanka "si ay u weeraraan fallaagada Naga oo weerar gaadmo ah ku dilay ciidammada Hindiya".

Sannadkii 2017-kii, wuxuu billad sharaf guddoonsiiyay sarkaal ciidan oo qof rayid ah ku xiray afka hore ee gaarigiisa gudaha Kashmir, halkaasoo fallaagada ay kula dagaallamayaan xukunka Hindiya.

Dhacdadan ayaa muran ka dhalisay gudaha Hindiya iyo dibaddaba, iyadoo kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in sarkaalku uu ninkan u adeegsaday gaashaanka bini’aadamka ee ka hortagaya dibadbaxayaasha dhagax-tuurayay halkaasoo khasaaro ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM