Hindiya: Taliye iyo xaaskiisa oo ku dhintay shil diyaarad

Image
Lama oga sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxaana maamulka uu sheegay inay fureen baaritaan.

NEW DELHI, India - Taliyaha difaaca ee Hindiya, General Bipin Rawat, xaaskiisa, iyo 11 qof oo kale ayaa dhintay kadib markii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay koonfurta gobolka Tamil Nadu, sida ay sheegeen ciidamada cirka Hindiya [IAF].

IAF ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ku sheegtay "shilkan naxdinta leh wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Coonoor duhurnimadii (06:30 GMT) Arbacadii".

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Mi-17V5 oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duushay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin kuna sii jeeday Kuliyadda Shaqaalaha ee Difaaca, waxaana ay burburtay.

Lama oga sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxaana maamulka uu sheegay inay fureen baaritaan. Ciidanka cirka ayaa sheegay in hal sarkaal oo lagu magacaabo Kabtanka kooxda Varun Singh uu badbaaday laguna daweynayo isbitaal militari.

Sannadkii 2015-kii, Rawat waxa uu kormeeray weeraro ay Hindiya ku qaaday dalka deriska la ah ee Myanmar, markii taliyayaasha ciidamada ay soo galeen waddanka "si ay u weeraraan fallaagada Naga oo weerar gaadmo ah ku dilay ciidammada Hindiya".

Sannadkii 2017-kii, wuxuu billad sharaf guddoonsiiyay sarkaal ciidan oo qof rayid ah ku xiray afka hore ee gaarigiisa gudaha Kashmir, halkaasoo fallaagada ay kula dagaallamayaan xukunka Hindiya.

Dhacdadan ayaa muran ka dhalisay gudaha Hindiya iyo dibaddaba, iyadoo kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in sarkaalku uu ninkan u adeegsaday gaashaanka bini’aadamka ee ka hortagaya dibadbaxayaasha dhagax-tuurayay halkaasoo khasaaro ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM