Hishiis dhexmaraya hogaamiyaasha South Sudan

Image

25 August, 2015- Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in heshiis nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi uu saxiixi doono Arbacada beri ah.

Madaxweynaha Dalkaasi ayaa sheegey inuu diyaar u yahay saxiixa hishiiska dhexmara isaga hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar oo ay isku hayaan siyaasadda dalkaasi.

Mr Kiir ayaa todobaadkii lasoo dhaafay diiday inuu qalinka ku duugo heshiiska labada dhinac.

Salva Kiir ayaa codsaday in la siiyo 15 maalmood oo uu kusoo tashado, waxaana cadaadis lagu saarayay inuu aqbalo heshiiska awood qeybsiga ama uu muteysto cunaqabateyn.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa la filayaa inay ka doodo qaraar qabyo ah oo lagu diyaarinayo cunaqabateyn ka dhan ah madaxda South Sudan, haddii ay saxiixi waayaan heshiiska.

Hogaamiyaasha dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Sudan ay caasimada Jubba uga qeyb gali doona hishiiska dhexmari doona labada hogaamiye oo loo ballansanyahay Arbacada bari ah.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM