Hogaamiyaha cusub ee Iiraan oo la hadlay Erdogan iyo Putin

Image
Masoud Pezeshkian iyo hoggaamiyayaasha labada dal ayaa ka wada hadlay ahmiyadda iskaashiga.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Iran Masoud Pezeshkian ayaa khadka Telefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Masoud Pezeshkian iyo hoggaamiyayaasha labada dal ayaa ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay nabadda bariga dhexe, xoojinta xiriirka Iran la yeelanayso labadaasi dal & arrimaha Mandaqadda.

Madaxweynaha la doortay ee Iran ayaa waxa uu sheegay in maamulka cusub uu daba-geli doono oo uu fulin doono heshiisyadii ay la saxiixdeen Ruushka xilligii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raeisi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM