Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo amray in la taageero Falastiiniyiinta

Image

PYONGYANG (GO) - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa amray in la taageero Falastiiniyiinta, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas. Sida laga soo xigtay Wargeyska “Wall Street Journal” ee ka soo baxa dalka Mareykanka

Wargeyska ayaa sheegay in xogtan ay ka heleen Hay’adda Sirdoonka ee dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in laga yaabo in Kim Jong Un uu sidoo kale ka fikirayo inuu hub ka iibiyo kooxaha hubeysan ee ku sugan Bariga Dhexe sida Xamaas.

Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Xamaas ay u adeegsatay si lama weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar hub ay soo saartay Kuuriyada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM