Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi: waa inaa u diyaargarowna dagaal

Image
Kuuriyada Waqooyi ayaa eedeymo u jeedisay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Pyongyang (GO) - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Khamiistii sheegay in xaaladaha siyaasadeed ee aan xasiloonayn ee ku xeeran dalkiisa ay ka dhigan tahay in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa dagaal si ka badan sidii hore.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xoojisay horumarinta hubka dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xiriir militari iyo mid siyaasadeed la sameysatay Ruushka, iyadoo lagu eedeeyay inay Moscow ka caawisay dagaalka ay kula jirto Ukraine si ay uga caawiso mashaariicda militari ee istiraatiijiga ah.

“Haddii cadowgu uu doorto iska-hor-imaad millatari oo uu la galo Kooriya, waxaa soo gaari doona dharbaaxo halis ah, waxaana abaabuleynaa dhamaan wixii awodeena ah,” ayuu yiri Kim.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay sare u qaadeen xiisadda militari iyagoo sameeyay "Dhoolatus dagaal."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM