Hogaamiye mucaarad oo isbitaal la dhigay kadib markii la sumeeyay

Image

MOSCOW, Russia - Diyaarad uu la socdey hogaamiyaha mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny una kala goosheysay gobolka Siberia iyo Moscow, ayaa deg-deg loosoo dejiyey waxaana loola cararay Isbitaal.

Afhayeen u hadashay waxay sheegtey in ay tuhunsan yihiin in lagu sumeeyay walxo la isku qasay oo Shaax loogu daray. Navalny oo jeer horey loo sumeeyay wuxuu hadda ku jiraa qolka xaalada degdeg ah.

Kooxdiisa dhanka warbaahinta ayaa xustay in Shaaxa uu ahaa waxa kaliya ee uu cabay kahor inta uusan safarka gelin. Balse, ma aysan shaacin cidda ay ku eedeynayaan ficilkaan argagaxa leh.

Navalny oo 44-sano jir ah isla markaana xabsi ku galay mucaaradnimadiisa ayaa aad uga soo horjeeda dowladda Vladimir Putin, waxaana uu warbaahinta u mariyaa erayo kala duwan oo maqaar-xanuunjiya.

Wakaaladda wararka u faafisa Ruushka oo aan soo hadal-qaadin sheegashooyinka ku saabsan in la sameeyay siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqdey in xaaladiisu ay tahay mid aad u khatar badan.

Dhakhaatiirta oo war-fidiyeenka kula hadlay banaanka Isbitaalka ayaa tibaaxay in ay ku dedaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen nolosha Navalny, wallow aysan muujin kalsoon aad u baaxad weyn.

Alexei Navalny oo dhashay 4-ta bishii July sanadkii 1976-dii ayaa sumcadda mucaaradnimada wuxuu ku helay ololihiisa ka dhanka ah musuqmaasuq gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqaa mas'uuliyiinta sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM